I Badbaadi Ama I Biree Aan Bas-Beelee. W/Q: Bashiir Suuley

Jiilkii iga horreeyey waxay ku garaadsadeen dalkooda oo dowladi ka jirto, waxay na waqtigooda in badan oo ka mid ah soo qaateen iyada oo uu dalkoodu ka mid yahay dalalka ugu awoodda badan guud ahaan qaaradda Afrika.

Waxay heleen waxbarasho bilaash ah, amni, caafimaad, IKK. waxaa se xusid mudan in jiilkaasi ku soo raaxayseen, naruuro ay dad ka horreeyey dhiig iyo dheecaanba u soo hureen.

Taa beddelkeeda, anigu nasiib uma yeelan in aan hoos harsado geedkii weynaa ee jiilkii iga horreeyey soo hoos galeen, nasiib uma yeelan in aan helo waxbarasho bilaash ah; caafimaad iyo daryeel kale oo dowladeed toonna.

Maalintii aan ifka ku soo biiray ayaa jiilkii iga horreeyey buqno gooyeen dhegtana ciidda u dareen hashii Maan-deeq ee la igu habi lahaa. Alla! Nasiib darniyaa.

Waxaan garaadsaday, ayada oo dalkaygu yahay degel uusan dadku kala xigin. waxaan ku dhex barbaaray bulsho-weyn beel beel u kala taal, isuna bahaysata.

Waxaa dhegahayga daannooyin lama ilaawaan ah ku reebay maankaygana ku mudan erayo aan mar marka qaar u maleeyo in aniga la iigu danleeyahay, tusaale ahaan, waxaan la yaabaa mar kasta oo wanaag la sheegayo waxaa la yiraahdaa ‘waagii dowladda’, taas oo loola jeedo dowladdii hore ee la dumiyey. Aniga laftrirkaygu marka aan akhriyo, baaro ama dhagaysto raadadkii tagey, aanna bar-bar dhigo xilliga aan joogo iyo xaaladdayda, waxaa isoo baxda in aan ahay shakhsiga ugu nasiibka xun dunida.

Tiro ma leh inta jeer aan aan naftay hiifay,canaantay, ulana dhaqmay sidii ay tahay tan eedda oo dhan dusha saartay.

Intii aan garaadsaday, waxaa mar marka qaar ii ifiyey iftiin yar oo aan u malayn jiray faynuustii mugdiga iga saari lahayd. Nasiib-darrose iftiinkaasi wuxuu muddo yar ka dib isu beddelaa hal bacaad lagu lisay. Taasina waxay igu sii badisaa wel-wellkii, walaacii, walaahowgii, wareerkii iyo walbahaarkii aan la diyeysnaa.

Maanta, waa maalin ay ii muuqdaan feynuus, dubaalad(liif), iyo gaas is ag-yaalla. Waa seddex shay oo haddii si qumman la isugu xiro, iftiin yar laga heli karo, haddii dubaaladda kaliya si khaldan loogu xirana aan hal laga dheefi doonin.

Hadda ba, xildhibaannow, aan labo idiin kala qeybsho:

Qolada koowaadi, waa kuwii iga horreeyey ee hashii ay horey u maali jireen maalintii aan dhashay aduunyada dhaafiyey, markii ay soo silceen, oo laftoodii nafta u yaabeenna wali soo taagan oo dhanna u dhaafi waayey goobtii ay ku gowraceen; qoladaas waxaan leeyahay, shalay ayaad iga inkaar galabsateen, oo anoo adduunka kolkaas ku soo biiray rajo la’aan i dhigteen e, Allaan idinku dhaarshey e, maanta i badbaadsha, oo feynuustaas yar ii iftiimiya si aan ugu fiyoobaado, facayna wax ula qeybsado.

Qolada labaadi, waa kuwii ila jiilka ahaa iyo kuwii ag dhawaa ee aan wax qumman ka horreyn, kuwaasna waxaan leeyahay, haddii, aabbeyaasheen iyo adeeradeen ina hakradeen, haddii ay muddo xaabo inaka dhiganayeen, haddii aan in badan eedda oo dhan iyaga dusha ka saaraynay, maanta waxaan maraynaa heer go’aankeennu gacanteenna ku jiro, idinka ayaana inoo kala doori kara, in aan noqonno kuwii aabbeyaasheen ka horreeyey ee u soo jihaaday una soo dagaallamay xorriyaddii aabbeyaasheen ku soo tabcadeen ka dibna ciideeyeen iyo in aan noqonno kuwa aan jiilkii ka horreeyey waxba dhaamin, oo sidii ay ku yimaadeen dalka uga taga.

Haddii aan maanta kici waayo, waxaa ii muuqata iina sawiran in aanan dib danbe indho ukala qaadi doonin, hadda ba, idinka ayaa ii kala doori kara in aan badbaado iyo in aan bas-beelo e, waa idinkaas, Guulle na ha idin garab galo.

Dhammaad

Bashiir Suuley

Fikradaha Akhristayaasha (0)