Farmaajo Oo Loo Doortay Madaxweynaha Soomaaliya

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Madaxweyne u doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareeggii labaad ka codad batay Madaxweynayaashii hore Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud ayaa u tanaasulay Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka codad batay.

Xassan Sheikh Maxamuud iyo Farmaajo ayaa u gudbi lahaa wareegga 3-aad.

Fikradaha Akhristayaasha (0)