Erdogan Oo Taleefoon Kula Hadlay Farmaajo

Madaxweynihii ugu horeeyey ee soo wacay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu noqdey madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan, wuxuuna ugu hambalyeeyey doorashadiisa.

Erdogan ayaa Madaxweeynaha cusub ee Soomaaliya u sheegay in uu heeyso fursad uu dalka Soomaaliya ugu soo celin karo nabad iyo kala danbeyn, sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhow madaxweeynaha Turkiga.

“Madaxweeyne Erdogan wuxuu qadka Teleefonka ugu hambalyeeyay dhiggiisa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxyar kadib markii ay soo dhamaatay doorasho qaadatay ku dhawaad shan saacadood maalintii Arbacada, taa oo ka dhacday magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho,” sidaa waxaa yiri masuul ka tirsan madaxtooyada Turkiga oo warbaahinta la hadlay isagoo magaciisa u qariyay sababo la xiriira in uusan fasax u qabin in uu warbaahinta la hadlo.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka xiriirka dhow la leh Soomaaliya, ayadoo dalka ay ka socdaan mashaariic kala duwan oo lagu horumarinayo adeegyada bulshada oo ay ka hirgelisay dowladda Turkiga.

Fikradaha Akhristayaasha (0)