Farmaajo Oo Diiday In Ciidamo Ajaanib Ah Ilaaliyaan

Waxaa soo ifbaxay muuqaalo muujinaya madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo iska daba reebaya askari AMISOM oo dabo socdey markii uu kasoo baxay goobtii doorashada.

Farmaajo ayaa markii dambe waxaa ammaankiisa la wareegey ciidamada Soomaaliyeed oo si gaar ah u tabobaran.

Arrintani ayaa waxaa si weyn loogu falanqeeyey baraha bulshada, waana la bogaadiyey maadaamaa madaxweynihii hore ay AMISOM waardiyeyneysay taasi oo halis ku ah sirta qaranka.

Fikradaha Akhristayaasha (0)