Caasimadda Oo Ka Soo Reyneysa Amni Daradii

Kadib hawlgalo ay sameeyeen ciidamada kala duwan ee dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in amnigii magaalada caasimadda ah uu aad oga soo reynayo maalmihii lasoo dhaafay.


Inkasta oo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadhaan oo kooxaha argagixisada laga filanayay in ay qaadaan weeraro, ayaa waxaa muuqata in illaa iyo hadda uusan dhicin fal weyn oo dad lagu waxyeeleeyey.

Maanta oo ugu dambeysey ciidamada waxa ay fashiliyeen qarax lagu qaadi rabay wadada 21 oktoobar.

Horumarkan ayaa loo tirinayaa hawlgalka xasilinta caasimadda, kaasi oo hubka looga dhigayo dadka hubeysan ee kala duwan, inkasta oo wali hawlgalkaasi uusan soo gabogaboonin.

Tani waa astaan wanaagsan oo muujineysa in dawladda Farmaajo ay sidii la rabay shaqada u wado.

Dadka qaarkood waxa ay leeyihiin in magaalada ay kusoo noqon karto sidii ay bari ahaan jirtey, sida sawirka ka muuqata.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)