Golis Oo $ 15,000 Ugu Deeqday Dib U Dhiska Isbitaalka Gaalkacyo

Shirkadda Isgaarsiinta Golis ayaa lacag ugu deeqday Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo, waxaana ay maanta ku wareejisay Guddiga dib u dhiska Isbitaalkaasi.

Maamulaha Shirkada Golis ee magaalada Gaalkacyo, Faarax Bootaan Faarax, ayaa lacagta oo dhan $ 15,000 ku wareejiyay Guddiga dib u dhiska Isbitaalka.

Gudoomiye ku xigeenka Guddiga dib u dhiska Isbitaalka Gaalkacyo, Aadan Maxamed Cigaal ayaa u mahadceliyay Shirkadda Isgraansiinta Golis.

Shirkadda Golis ayaa had iyo jeer ka qeyb qaadata Horumarinta adeegyada Buslada, waxaana hadda ay taageeraysa dib u dhiska Isbitaalka Gaalkacyo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)