Masar Iyo Itoobiya Oo U Doodaya Cumar Al Bashiir

Dublamaasiyiin sarsare oo ka tirsan dawladaha Masar iyo Itoobiya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey horgeeyey dalab ah in madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir laga laabto waaranka xarigga ah ee ay u jartay maxkamadda adduunka.

Waxa ay dalabkani gudbiyeen kadib markii haweeneyda garyaqaanada Maxkamadda Adduunka ay golaha horkeentey qaraar la xiriira in waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobey ay soo xiraan Al Bashiir.

Labada Safiir oo lagu kala magacaabo Tekeda Alemu, Itoobiya iyo Amiir Cabdiladhiif, Masar ayaa ku dooday in kiiska loo heysto madaxweynaha Suudaan uu yahay mid daciif ah oo aanan cago adag ku taagneyn, islamarkaasina uu kaliya dhaawacayo sumcadda golaha ammaanka.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in golaha looga baahanyahay in uu cadaadis saaro kooxaha jabhadaha ah ee ka dagaalama Suudaan, laguna qasbo in ay hubka dhiggaan.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)